Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay dhiggiisa Aljeeriya

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo maalintii labaad booqasho rasmi ah ku jooga dalka Aljeeriya, ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay Qasriga Al-Muradiya, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Aljeeriya, Mudane Cabdulmajiid Tabbuun.

Munaasabadda soo dhoweynta ayaa lagu maamuusay calammada labada dal, iyadoo cutubyo ka tirsan ciidamada dalkaas ay siiyeen salaan sharaf Madaxweynaha Soomaaliya. Intaas kaddib, labada madaxweyne waxay yeesheen kulan gaar ah.

Sidoo kale, labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u guddoomiyay wada-hadallo ballaaran oo ay ka qayb galeen xubno ka tirsan labada dhinac, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, dhaqanka iyo arrimaha diblomaasiyadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Tabbuun iyo shacabka reer Aljeeriya soo dhoweynta diirran, isagoo xusay in booqashadani ay astaan u tahay xiriirka qotada dheer ee labada dal.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulmajiid Tabbuun ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya dadaalka ay ku bixinayso xasillinta iyo dib u dhiska dalka, wuxuuna xoojiyay sida ay uga go’an tahay in Aljeeriya ay la garab istaagto Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dalka Ciraaq u qaabilsan Soomaaliya 

Muqdisho, Arbaco, 11 Febraayo 2026: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo La Kulmay Danjiraha Shiinaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta,...

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo Booqday Markabka Dagaalka ee Turkiga ee Muqdisho

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo uu...