Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Date:

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay masuuliyiin ka socday hay’adaha UNODC iyo UNDP. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo taageeridda dadaallada la xiriira Maareynta Halista Musuqmaasuqa (Corruption Risk Management), si loo horumariyo daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Hantidhowraha Guud, Kuxigeenkiisa, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska, kuwaas oo muujiyay sida ay uga go’an tahay adkaynta wada-shaqeynta la leh hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa sidoo kale sheegay inuu sii dardar gelin doono baarista iyo la socodka khataraha la xiriira musuqmaasuqa, si loo gaaro hannaan hufan oo daahfuran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...