Soomaaliya oo ka qaybgashay shir looga hadlayay u adkaysiga cimillada

Date:

Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeybgashay shir muhiim ah oo lagu qabtay Caasimada Dalka Itoobiya ee Addis Ababa, kaas oo uu soo qaban qaabiyay Urur Goboleedka IGAD.

Shirka oo uu Soomaaliya ku matalayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng. Maxamed Xasan Cabdulle, ayuu ujeedkiisu ahaa daahfurka mashruuc cusub oo diiradda lagu saaraya maamulka dhulka, u adkaysiga cimillada iyo cunto soosaarka waara ee gobolka.

Mashruucan oo socon doona shan sano, ayaa ujeeddadiisu tahay in dalalka IGAD ay iska kaashadaan xoojinta maamulka dhulka, nabadda iyo horumarinta nolosha beeraleyda iyo reer guuraaga.

Eng. Maxamed Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya ay door muuqda ka qaadan doonto hirgelinta mashruucan, maadaama uu muhiim u yahay maamulka dhulka, sugnaanta cuntada iyo iskaashiga gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Wasiir Fiqi oo kormeeray fariisimaha ciidamada XD ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi...

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...