Wasaaradda gaashaandhigga oo qalab kala wareegtay xafiiksa UNOPS

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan hawlaha Mashaariicda (UNOPS) ugu wareejiyay agab casri ah Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga Gudaha iyo Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, si loo xoojiyo awoodda iyo hufnaanta shaqo ee Wasaaradahan.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in qalabkan ICT-ga uu qeyb muhiim ah ka yahay dadaallada lagu casriyeynayo Wasaaradda Gaashaandhigga iyo dhismaha nidaamka danabaynta si kor loogu qaado daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo fududeynta shaqo.

Wasiir Fiqi ayaa mahadceliyay Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay taageerada ay si joogto ah u siiyaan Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay wareejintan tallaabo muujineysa kalsooni iyo iskaashi lagu dhisayo Wasaarad Gaashaandhig oo casri ah, hufan, kana jawaabta baahiyaha qaranka.

Munaasabadda waxaa sidoo kale goob jooga ahaa Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro Agaasimaha Guude ee UNOPS iyo saraakiil sare oo ka socday Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...