Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirweynaha 151-aad ee Baarlamaanka Adduunka 

Date:

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo wafdi ka kooban Xildhibaanno labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qaybgalaya Shirweynaha 151-aad ee Baarlamaanka Adduunka, kaas oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Guddoomiye Abshirow oo shirka ka jeediyay khudbad ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan howlaha uu qabtay Baarlamaanka Soomaaliya, sida ansixinta sharciyada la xiriira arrimaha bulshada, bani’aadannimada, barakacayaasha iyo qaxootiga. Wuxuu xusay in Soomaaliya ay martigelisay qaxooti kasoo cararay colaadaha ka taagan dalal ay ka mid yihiin Yemen iyo Suuriya.

Sidoo kale, wafdiga Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Abshirow ayaa u codeeyay laba mooshin oo kala ah: Sharciga Dambiyada Abaabulan ee Isaga Gudba Qaramaha, iyo mooshin waddanka Madagascar uu keenay oo lagu taageerayo xal waara oo loo helo dhibaatooyinka ka jira halkaas.

Shirka oo ay barbar socdaan shirar doceedyo u gaar ah wufuudda, ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo maanta oo Arbaco ah. Inta uu shirku socdo, Guddoomiye Abshirow wuxuu kulamo gaar ah la qaadan doonaa madax ka socota dalalka kale iyo hay’ado caalami ah oo ku sugan xarunta Baarlamaanka Adduunka ee Geneva.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...