Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka 26-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, xilli uu magaalada Washington DC ka socdo shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhanka is-dhexgalka adeegyada muhiimka ah, gaar ahaan kuwa saameeya bulshada ku nool xuduudaha iyo xeebaha dalalka Geeska Afrika, iyadoo la dardargelinayo mashaariicda maalgelinta mudnaanta leh.

Wasiir Biixi oo furitaanka kulanka khudbad ka jeediyay ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dalalka Geeska Afrika si gaar ah iskaga kaashadaan horumarinta dhaqaalaha, isaga oo sidoo kale u mahadceliyay xubnaha madasha iyo ka qeybgalayaasha caalamiga ah ee korjoogtada ka ah shirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

MUQDISHO | 05 Maarso 2026 – Wasaaradda Hawlaha Guud,...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo...