Soomaaliya oo ka qeybgashay Meertada 8-aad ee Shirweynaha Biyaha Qaahira

Date:

Qaahira, Masar, 17-ka Oktoobar 2025: Iyada oo lagu guda jiro Todobaadka Shirweynaha Biyaha ee Qaahira (Meertada 8-aad), ayaa waxaa kulan mira-dhal ah u qabsoomay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Mohamed Abdullahi iyo Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Waraabka ee dalka Masar Prof. Hani Sewilam, Kulanka ayaa looga gollahaa qaabeynta, xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal gaar ahaan dhanka maaryenta kheyraadka biyaha iyo waraabka ayaa waxaa lagu gorfeeyey arrimo muhiim u ah iskaashiga dhanka biyaha ee labada dal.

Wasiir Mohamed Abdullahi ayaa bogaadiyey iskaashiga soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Masar, iyada oo uu tibaaxay in la joogo waqtigii kor loo qaadi lahaa iskaashiga dhanka maareynta kheyraadka biyaha.

Intii uu socday kulanka labada Wasiir ayaa waxaa lagu lafa-guray dhammaystirka diyaarinta Heshiis Is-afgarad ah kaasoo diiradda lagu saari doono dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin: maareynta kheyraadka biyaha, tababarrada, tayeynta, horumarinta karaanka xirfadlayaasha iyo kaadirka biyaha, xoojinta iskaashiga wada-xaajoodyada biyaha la wadaago oo xuduudaha ka baxsan iyo sidoo kale dhanka iskaashiga xogta biyaha, sahanka, saadaasha iyo ka digista khataraha iyo aafooyinka la xiriira maareynta biyaha.

Gabagabdii kulanka ayaa kusoo idlaaday jawi is-afgarad iyada oo loo ballamay in muddo kooban lagu soo dhammaystiro Heshiiska Wada-shaqayn eel labada dhinac iyada oo loo ballamay in dhawaan ay qabsoonto kulamo heer farsamo iyo kuwo heer sare.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...