Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Date:

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka 72-aad ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee dalalka ku mideysan Gobolka Bariga Mediterranean-ka, kaas oo si rasmi ah uga furmay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Shirkan sanadlaha ah ayaa ah madal muhiim ah oo ay isugu yimaadaan wasiirrada caafimaadka ee dalalka xubnaha ka ah WHO/Bariga Mediterranean-ka, si ay uga wada hadlaan caqabadaha iyo fursadaha horumarinta caafimaadka gobolka.

Wasiirka oo halkaas ka jeediyay khudbad ayaa tilmaamay culeysyada caafimaad ee ka jira gobolka, gaar ahaan saameynta hoos u dhaca maalgelinta (fund cuts), isagoo ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga iyo isku tashiga si loo gaaro adeegyo caafimaad oo waara.

Soomaaliya ayaa sii xoojinaysa dadaalka ay ugu jirto gaarsiinta yoolalka caafimaadka ee Qaran iyo kuwa Caalami ah, iyadoo la jaanqaadaysa isbeddellada caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...