Taliyaha Booliiska oo la kulmay Guddiga saxidda Imtixaanka Layli Sarkaalnimo

Date:

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa la kulmay Guddiga u xilsaaran saxidda Imtixaan Layli Sarkaalnimo oo dhawaan laga qaaday arday Jaamiciyiin ah , waxaana guddigan hormuud u ah Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Dr. Maxamed Maxamuud.

Guddiga ayaa Taliyaha uga xog waramay halka ay marinayaan saxidda Imtixaanka, waxaana ay si hordhac ula wadeegeen inay raaceen soo jeedinta Taliyaha ee la xiriirtay in si hufnaan iyo Cadaaladi ku dheehan tahay sixidda Imtixaanka loo maro.

Taliye Asad ayaa sidoo kale Guddiga kala hadlay qorshe uu doonayo in Jaamacad Waxbarasho looga dhigo Akadamiyadda Ciidanka Booliiska oo mudooyinkii u dambeeyey lagu sameeyey dib u habeyn dhinaca waxbarista ah si kor loogu qaado Tayada Aqooneed ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...