Taliyaha Booliiska oo la kulmay Guddiga saxidda Imtixaanka Layli Sarkaalnimo

Date:

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa la kulmay Guddiga u xilsaaran saxidda Imtixaan Layli Sarkaalnimo oo dhawaan laga qaaday arday Jaamiciyiin ah , waxaana guddigan hormuud u ah Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Dr. Maxamed Maxamuud.

Guddiga ayaa Taliyaha uga xog waramay halka ay marinayaan saxidda Imtixaanka, waxaana ay si hordhac ula wadeegeen inay raaceen soo jeedinta Taliyaha ee la xiriirtay in si hufnaan iyo Cadaaladi ku dheehan tahay sixidda Imtixaanka loo maro.

Taliye Asad ayaa sidoo kale Guddiga kala hadlay qorshe uu doonayo in Jaamacad Waxbarasho looga dhigo Akadamiyadda Ciidanka Booliiska oo mudooyinkii u dambeeyey lagu sameeyey dib u habeyn dhinaca waxbarista ah si kor loogu qaado Tayada Aqooneed ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

MUQDISHO | 05 Maarso 2026 – Wasaaradda Hawlaha Guud,...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo...