Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalay Shirka Wasiirrada Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Afrika.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habaynta nidaamka maaliyadeed ee caalamka, waxaana lagu qabtay magaalada Washington D.C. intii lagu guda jiray shirarka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF).

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay taageeridda aragtida mideysan ee Afrika ee ku aaddan nidaam maaliyadeed oo caddaalad ah, loo siman yahay, kana jawaabaya baahiyaha dalalka danyarta ah iyo kuwa jilicsan.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Soomaaliya ay dadaal xooggan ku bixinayso dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo qorsheynta horumarineed, si waafaqsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), kaas oo xooga saaraya maalgelinta waarta, kobaca loo wada dhan yahay, iyo iskaashiga caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo horumar waara iyo xasillooni dhaqaale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

MUQDISHO | 05 Maarso 2026 – Wasaaradda Hawlaha Guud,...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo...