Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalay Shirka Wasiirrada Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Afrika.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habaynta nidaamka maaliyadeed ee caalamka, waxaana lagu qabtay magaalada Washington D.C. intii lagu guda jiray shirarka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF).

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay taageeridda aragtida mideysan ee Afrika ee ku aaddan nidaam maaliyadeed oo caddaalad ah, loo siman yahay, kana jawaabaya baahiyaha dalalka danyarta ah iyo kuwa jilicsan.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Soomaaliya ay dadaal xooggan ku bixinayso dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo qorsheynta horumarineed, si waafaqsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), kaas oo xooga saaraya maalgelinta waarta, kobaca loo wada dhan yahay, iyo iskaashiga caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo horumar waara iyo xasillooni dhaqaale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...