Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay in baasaboorada diblumaasiga ee labada dal laga dhaafo shuruudda dal-ku-galka, kaddib heshiis is-afgarad ah oo lagu kala saxiixday magaalada Kampala ee Uganda.

Heshiiskaan waxaa si rasmi ah u kala saxiixday Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad), iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Azerbaijan, Mudane Samir Sharifov, iyagoo ka qeybgalaya shir caalami ah oo ka socday Kampala.

Munaasabadda saxiixa waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan Xaadoow, iyo Danjiraha Soomaaliya ee Uganda, Marwo Fardowsa Maxamed Qanyare.

Labada Wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Azerbaijan, xiriir sii xoogeysanayay sanadihii u dambeeyay. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta soo celinta iyo xoojinta sumcadda caalamiga ah ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...