Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay in baasaboorada diblumaasiga ee labada dal laga dhaafo shuruudda dal-ku-galka, kaddib heshiis is-afgarad ah oo lagu kala saxiixday magaalada Kampala ee Uganda.

Heshiiskaan waxaa si rasmi ah u kala saxiixday Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad), iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Azerbaijan, Mudane Samir Sharifov, iyagoo ka qeybgalaya shir caalami ah oo ka socday Kampala.

Munaasabadda saxiixa waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan Xaadoow, iyo Danjiraha Soomaaliya ee Uganda, Marwo Fardowsa Maxamed Qanyare.

Labada Wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Azerbaijan, xiriir sii xoogeysanayay sanadihii u dambeeyay. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta soo celinta iyo xoojinta sumcadda caalamiga ah ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

MUQDISHO | 05 Maarso 2026 – Wasaaradda Hawlaha Guud,...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo...