Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Aadan Cabdullaahi Aw Xasan, oo maalmahan booqasho ku jooga caasimadda.

Munaasabadda oo ka dhacday hoyga Duqa Muqdisho ayaa lagu xusay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxaysa maamullada dalka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray muhiimadda wadahadalka, wadatashiga iyo isku xirka hay’adaha dowlad-goboleedyada iyo dowladda hoose.

Waxaa munaasabadda ka qaybgalay xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud Md. Cabdimajiid Daahir Aadan, agaasimayaal, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo marti-sharaf kale, kuwaas oo bogaadiyay dadaallada lagu dhisayo xiriir siyaasadeed iyo bulsho oo mideeya shacabka Soomaaliyeed.

Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in Muqdisho ay mar walba u furan tahay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in kulammada noocan oo kale ah ay muhiim u yihiin dhismaha kalsoonida iyo xoojinta midnimada qaranka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari, Mudane Aadan Cabdullaahi Aw Xasan, ayaa uga mahadceliyay Duqa Muqdisho martigelinta iyo soo dhoweynta diirran, isagoo ku tilmaamay caasimadda Muqdisho inay tahay meel u taagan midnimada, horumarka iyo kobcinta nabadda dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...