Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Aadan Cabdullaahi Aw Xasan, oo maalmahan booqasho ku jooga caasimadda.

Munaasabadda oo ka dhacday hoyga Duqa Muqdisho ayaa lagu xusay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxaysa maamullada dalka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray muhiimadda wadahadalka, wadatashiga iyo isku xirka hay’adaha dowlad-goboleedyada iyo dowladda hoose.

Waxaa munaasabadda ka qaybgalay xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud Md. Cabdimajiid Daahir Aadan, agaasimayaal, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo marti-sharaf kale, kuwaas oo bogaadiyay dadaallada lagu dhisayo xiriir siyaasadeed iyo bulsho oo mideeya shacabka Soomaaliyeed.

Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in Muqdisho ay mar walba u furan tahay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in kulammada noocan oo kale ah ay muhiim u yihiin dhismaha kalsoonida iyo xoojinta midnimada qaranka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari, Mudane Aadan Cabdullaahi Aw Xasan, ayaa uga mahadceliyay Duqa Muqdisho martigelinta iyo soo dhoweynta diirran, isagoo ku tilmaamay caasimadda Muqdisho inay tahay meel u taagan midnimada, horumarka iyo kobcinta nabadda dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dalka Ciraaq u qaabilsan Soomaaliya 

Muqdisho, Arbaco, 11 Febraayo 2026: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Agaasimaha Guud Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo La Kulmay Danjiraha Shiinaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta,...

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo Booqday Markabka Dagaalka ee Turkiga ee Muqdisho

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo uu...