Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kalfadhiga 76-aad ee UNHCR

Date:

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadaad Maxamed Nuur Caliyow, ayaa xarunta hay’adda UNHCR ee Geneva, Switzerland uga qeyb galay Kalfadhiga 76-aad ee Guddiga Fulinta Hay’adda Qaxootiga Adduunka.

Kulammada oo soconaya inta u dhaxaysa 6-da ilaa 10-ka Oktoobar 2025, ayaa looga hadlayaa xaaladda qaxootiga caalamka, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka martigeliya qaxootiga.

Wasiiru-dowlaha, Mudane Sadaad Maxamed Nuur, waxaa socdaalkan shaqo ku wehliya Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha, Mudane Axmed Xuseen Cilmi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay...

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

Muqdisho, Feberaayo 19, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay Siyaasadda Madaxda Qaranka ay ku wajaheen dagaalka Khawaarijta

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in siyaasadda iyo diblomaasiyadda...

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha...