Wasiirka Qoyska oo Geneva kulamo kula yeelatay qaar ka mid ah danjirayaasha caalamka ee QM

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi ayaa magaalada Geneva kulammo gaar ah kula qaadatay qaar ka mid ah safiirrada dalalka caalamka u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva.

Kulammadan ayaa qayb ka ah ololaha ay Soomaaliya ka waddo magaalada Geneva, halkaas oo uu ka socdo Shirweynaha 60-aad ee Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay (UN Human Rights Council).

Kulanka koowaad, Wasiiraddu waxay la yeelatay H.E. Naser Abdullah Alhayen, Safiirka Dowladda Kuwait ee Geneva. Kulanka labaadna waxay la qaadatay H.E. Dr. Hend Abdulrahman Al Muftah, Safiirka Dowladda Qatar ee Geneva, halka kulanka saddexaadna ay la yeelatay H.E. Ambassador Burak Akçapar, Safiirka Dowladda Turkey ee Geneva.

Safiirrada dalalkaasi waxay dhamaantood muujinayeen taageero buuxda oo ay u hayaan dadaallada ay Soomaaliya ku doonayso in ay dib u soo ceshato doorkeeda iyo madax-bannaanideeda ku aaddan waajibaadka qaran ee xuquuqul insaanka, ka dib muddo 30 sano ah oo ay ka maqneyd maareynta madax-bannaan ee arrintan muhiimka ah.

Dadaalladan ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan soo celinta kaalinteeda firfircoon ee Qaramada Midoobay, iyo xaqiijinta horumar ku dhisan ilaalinta xuquuqda aadanaha, caddaaladda iyo sinnaanta bulshada.

Waxaa la filayaa in maalinta Arbaco, 8-da Oktoobar 2025, la qabto codbixinta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo Soomaaliya ay u tartamayso xubinnimo, iyadoo ololahan uu qayb weyn ka yahay dadaallada iyo kulammada diblumaasiyadeed ee ay Wasiiraddu hoggaamineyso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Wasiir Fiqi oo kormeeray fariisimaha ciidamada XD ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi...

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa...