Kulan looga hadlayay Isu-duwidda Maareynta Masiibooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA iyo UN Women ayaa magaalada Muqdisho ka furay kulan looga hadlayay Isu-duwidda Maareynta Masiibooyinka iyo xoojinta doorka iyo ka-qaybgalka haweenka.

Kulankaan waxuu qayb ka yahay dadaallada lagu xaqiijinayo in jawaabaha iyo qorshayaasha la xiriira musiibooyinka dalka ay noqdaan kuwo ay Haweenku si buuxda uga qayb qaataan, si loo hubiyo ka mid noqoshadooda go’aamada iyo howlaha la xiriira gurmadka iyo isu-duwidda xaaladaha degdegga ah.

Shirka waxaa furtay Agaasimaha Guud ee Hay’adda SoDMA, Marwo Luul Axmed Galwo, iyadoo sheegtay in Haweenku ay door muhiim ah ku leeyihiin hawlaha gurmadka iyo ka hortagga musiibooyinka, iyadoo xustay in tababarradan iyo kulamadan ay muhiim u yihiin dhisidda awoodda haweenka ee hoggaanka iyo maamulka masiibooyinka dalka.

Ugu dambeyn, Xalima Yuusuf Xasan, Agaasimaha Waaxda Gender-ka ee SoDMA, ayaa sheegtay in kulankan uu yahay mid lagu horumarinayo fahamka iyo dhaqangelinta siyaasad cad oo lagu xoojinayo doorka Haweenka, isla markaana kor loogu qaadayo awooddooda hoggaamineed ee goobaha shaqada iyo bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka,...

Wasaaradda Beeraha oo Magacaabay Guddiga xog-ururin ku soo sameeya Suuqyada Khudaarta soo dhoofiya.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa magacaawday guddi shaqo oo...

Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyay Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2026. 

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay...

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...