40-sanno ka dib Sarkaal Soomaali ah oo ka qalin-jabiyay Akademiyada Ciidanka UK

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu maamuusayay Dhamme Maxamed Muuse Maxamed, oo noqday sarkaalkii ugu horreeyay ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee 40 sano ka dib ka qalinjabiyay Akaadeemiyada Ciidammada Boqortooyada Ingiriiska ee Sandhurst (Royal Military Academy Sandhurst).

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire Charles King, U-qeybsanaha Ciidanka ee Safaaradda UK, Captain James Edwards, Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Dhulka XDS, S/Guuto Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), iyo saraakiil ka socday CXD, Wasaaradda Gaashaandhigga, iyo Safaaradda Ingiriiska.

Wasiir Fiqi ayaa u hambalyeeyay Dhamme Maxamed Muuse, isagoo ku bogaadiyay dadaalkiisa iyo sida ay uga go’an tahay kor u qaadista aqoonta iyo xirfadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka Dowladda Boqortooyada Ingiriiska iyo taageerada ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarrada ciidamada, iyo xoojinta hay’adaha difaaca.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...