Wasiir Fiqi: “Wasaaradda Difaaca waxaa u qorsheysan in agoonta shuhadadii CXD Loo sameeyo hay’ad gaar ah oo ka shaqeysa xanaaneyntooda”

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Wasaaradda Difaacu ay qorsheyneyso in agoonta shuhadadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo sameeyo hay’ad gaar ah oo ka shaqeysa xanaaneyntooda.

“Wasaaradda Difaaca waxaa u qorsheysan in agoonta shuhadadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo sameeyo hay’ad gaar ah oo ka shaqeysa xanaaneyntooda, mar dhow ayaana Golaha Wasiirrada horgeyn doonaa sharciga hay’addaas,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka oo ka hadlayay munaasabad tababar loogu soo xirayay saraakiil iyo saraakiil xigeen ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xusay in sharcigaas dhowaan la horgeyn doono Golaha Wasiirrada, isagoo carrabka ku adkeeyay in aysan dayaci doonin carruurta shuhadada geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa tilmaamay sida ay Xukuumaddu uga go’an tahay tayeynta, qalabaynta iyo joogteynta tababarada Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan awood u leh ciribtirka kooxaha argagixisada iyo difaaca madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...