Muqdisho oo maanta dib loo furayo in ka badan 50 wado oo u xirnaa sababo Amni

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka dib u furaysa qaar ka mid ah waddooyinka magaaladda Muqdisho oo sanadihii u dambeeyey u xirnaa sababo amni,furista waddooyinka ayaa timid ka dib markii dowladda ku guulaysatay sugista amniga Caasimadda.

Ra’iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo madax kala duwan ayaa goordhow furi doona 50 wado oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan caasimadda.

Shacabka caasimadda ayaa si weyn u soo dhoweeyey furista waddooyinka iyo sida balaaran ee dowladda ugu guulaysatay sugista amniga caasimadda.

In waddooyinka xirnaa la furo ayaa ka dhigan guul weyn oo ay gaareen haya’addaha u xilsaaran sugidda amniga caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...