Agaasime Cabdullaahi Xayir “Dalxiisku waa furaha Maalgashiga iyo Horumarka dalkeenna.”

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS, Cabdullaahi Xayir Ducaale, oo ka qeybgalay kulanka Todobaadka Warbaahinta Qaranka, ayaa ka warbixiyay qodobo muhiim ah oo la xiriira fursadaha dalxiiska ee ka jira dalka iyo kaalinta ay ka ciyaari karaan horumarka qaranka.

Agaasimaha Guud ayaa xusay in ay dhowaan soo bandhigeen fursado la xiriira horumarinta dalxiiska iyo sida looga qeyb qaadan karo hirgelinta mashruucyo dalxiis oo laga fuliyo degmooyinka dalka iyo caasimadda Muqdisho.

“Dalkeenna wuxuu leeyahay goobo caan ah oo ku wanaagsan dalxiiska. Sidaa darteed, haddii aan kordhino dalxiiska, waxaa kordhaya dhaqaalaha dalka iyo fursadaha shaqo ee ay heli karaan shacabka Soomaaliyeed.”Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Gabagabadii, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in dalxiisku yahay furaha iyo albaabka maalgashiga, sidaas darteedna uu ku taliyay in la sameeyo goobo dalxiis oo casri ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismooyin waaweyn oo hoteello ah, beero xayawaanno, iyo xaafado qurux badan oo ku teedsan xeebaha dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...