Wasiir Ku-Xigeenka Qorshaynta oo faray hay’adaha dalka inay muujiyaan waxqabad muuqda.

Date:

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS, Mudane Maxamed Aadan Maxamed, ayaa faray hay’adaha dalka ka shaqeeya inay si cad u muujiyaan waxqabadkooda, isla markaana la jaanqaadaan qorshayaasha dowladda.

Wasiir ku-xigeenka, oo shir guddoomiyay kulan ay ka qayb galeen Dalladda Hay’adaha aan Dowliga ahayn iyo Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta (MED) ee Wasaaradda, ayaa intaa ku daray in isla-xisaabtanka iyo daahfurnaantu yihiin tiirarka kalsoonida shacabka iyo dowladda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista iyo isla-xisaabtanka hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Soomaaliya, iyadoo lagu soo bandhigay natiijooyinkii wajiyadii hore ee qiimaynta, waxaana lagu dhawaaqay bilowga wajiga afaraad ee xog-uruurinta.

Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay diyaarinta shirweynaha labaad ee kormeerka iyo daraasaynta, dhismaha ururka qiimaynta Soomaaliya (Somalia Evaluation Society), iyo dejinta qorshaha shaqo ee 2026 si loo xoojiyo wada-shaqeyn hufan iyo isla-xisaabtan.

Ugu dambeyn, waxaa la isla gartay in la dardargeliyo kulamada saddex biloodlaha ah ee isku-duwidda, si loo horumariyo iskaashi wax-ku-ool ah iyo horumar waara, waxaana wasiir ku-xigeenku caddeeyay go’aanka Wasaaradda ee ah xoojinta isla-xisaabtanka, daahfurnaanta, iyo hirgelinta horumar waara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...