Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay iskaashiga dhaqaalaha iyo maalgashiga

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiim ah la qaatay Sultan bin Abdulrahman Al-Marshad oo ah Madaxa ugu sarreeya ee Maamulka Sanduuqa Horumarinta ee Sucuudiga.

Kulankan ayaa intii uu socday Dawladda Soomaaliya soo bandhigtay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, kulamada oo sii socon doona ayaa la qorsheeyay in loo beddelo heer farsamo oo lagu lafa-guray, arrimaha hortebinta leh iyo in ay horseedaan iskaashi dhaqaale iyo maalgashi ballaaran.

Wafdiga waxaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ku wehliyay Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya Marwo Hodan Aadan Cusman, Maareeyaha Dekadda Muqdisho Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga oo uu hoggaaminayo siihayaha Safiirka, Cabdicasiis Ibraahim Xasan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Wasiir Fiqi oo kormeeray fariisimaha ciidamada XD ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi...

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...