Kulan looga hadlayay xasilinta dalka oo lagu qabtay muqdisho

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa furay kulanka billaha ah ee guddiga farsamo ee xiriirka arrimaha xasilinta.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay wasaaradaha iyo hay’addaha dowladda federaalka ah ee ka shaqeeya howlaha xasillinta dalka.

Shirka ayaa lagu falanqeeyay xoojinta baahinta iyo mideynta farriimaha dowladdu ku wajahdo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo xoogga la saarayo howlaha hortabinnada leh iyo baahiyaha deegaannada laga xoreeyay.

Xubnaha guddiga ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlaha xasilinta iyo taageerada bulshada, waxaana ka qeyb galay hay’ado ay kamid tahay SoDMA.

Ugu dambeyn, Wasiir Xoosh ayaa ku boorriyay guddiga in ay dardar geliyaan howlaha xasilinta, joogteeyaan dadaallada socda, isla markaana ay mideeyaan farriimaha nabadda iyo dowladnimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Wasiir Fiqi oo kormeeray fariisimaha ciidamada XD ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi...

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa...