Duqa Muqdisho oo qaabilay wafdi ka socda Jaamacadda Carabta

Date:

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa qaabilay wafdi ka socda Laanta Ururka Jaamacadda Carabta u xilsaaran Waxbarashada, Dhaqanka iyo Sayniska ee (ALECSO), kuwaas oo magaalada Muqdisho u jooga in ay qabtaan Aqoon-isweydaarsi heer sare ah oo lagu horumarinayo barashada iyo adeegsiga Luuqadda Carabiga.

Wafdiga ALECSO ee la kulmay Dr. Muungaab, oo ka koobnaa saddex xubnood ayaa waxaa hoggaaminayay Mudane Zayd Al-sabbaan, Agaasimaha Waaxda Geeska Afrika iyo Suudaan ee Jaamacadda Carabta, waxaana ka mid ahaa: Dr. Raami Zaki Iskandar, Agaasimaha Waaxda Waxbarashada ee ALECSO. Dr. Cali Cabdalla Al-naciim, Agaasimaha Mac-hadka Caalamiga Afka Carabiga ee Khartuum, oo hoos taga ALECSO.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee dhinacyada waxbarashada iyo dhaqanka, gaar ahaan horumarinta iyo fidinta Luuqadda Carabiga oo ah Afka labaad ee rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ka sokow Afka hooyo ee Af-Soomaaliga.

Guddoomiye Muungaab ayaa wafdiga uga mahadceliyay booqashadooda iyo doorkooda firfircoon, isagoo xusay in dowladda hoose ee Muqdisho ay ka go’an tahay in ay taageerto dedaallada lagu horumarinayo waxbarashada, isla markaana ay ku dhiirrigeliso jiilka cusub barashada Afafka rasmiga ah ee dalka.

Wafdiga ALECSO ayaa sharraxay ujeedka safarkooda Muqdisho, oo ah in lagu qabto aqoon-isweydaarsi heer sare ah oo kor loogu qaadayo aqoonta iyo barashada Luuqadda Carabiga, ayna ku xoojinayaan xiriirka waxbarasho ee Soomaaliya iyo waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xusay in iskaashigan uu muhiim u yahay Soomaaliya, maadaama uu ayidayo dib-u-soo-celinta kaalintii ay ku lahayd gobolka, xoojinta waxbarashada iyo kobcinta dhaqanka Soomaaliyeed oo ku dhisan xiriir qoto dheer oo taariikhi ah oo uu la leeyahay qayb ahaan dhaqamada Carabta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf Qaran guddoonsiiyey dhiggiisa dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay haweenka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka,...

Wasaaradda Beeraha oo Magacaabay Guddiga xog-ururin ku soo sameeya Suuqyada Khudaarta soo dhoofiya.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa magacaawday guddi shaqo oo...