Wasiirka Gaashaandhigga oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Dalka Masar

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Masar, Sareeye Gaas Cabdulmajiid Saqar, iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dalkaas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca milateriga ee labada dal iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Wasiir Fiqi ayaa ku bogaadiyay Masar kaalinta muuqata ee ay ka qaadato nabadda iyo xasilloonida gobolka, isagoo xusay in labada dal ay wadaagaan aragti mideysan oo ku aaddan arrimaha istiraatiijiga ah.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Masar ayaa muujiyay diyaar garowga dalkiisu u leeyahay xoojinta xiriirka iskaashiga milateri, isaga oo sheegay in ciidanka Masar ee qeyb ka noqon doona Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ay dhawaan soo gaari doonaan Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u...

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...