Madaxweynaha JFS oo maanta si rasmi ah u furaya Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u furaya Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa labada Aqal ee Baarlamaanka ka hor jeedin doona khudbad dastuuri ah, taas oo waajib dastuuri ah oo lagu daahfuro kalfadhiyada Baarlamaanka.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu kaga hadlo xaaladda guud ee dalka, oo ay ku jiraan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, iyo bulshada, iyadoo sidoo kale uu diiradda saari doono hormarka dowlad-dhiska, tallaabooyinka ay dowladdu ka qaaday dhismaha hay’adaha dowladda, iyo dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda iyo maamulka guud ee dalka.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa ku wargeliyay xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarrada Aqalka Sare in ay si buuxda uga soo qayb galaan fadhiga furitaanka kalfadhigan muhiimka ah, iyadoo si gaar ah loo adkeeyay in aysan dhicin maqnaansho aan sabab lahayn, gaar ahaan mudaneyaasha ku sugan magaalada Muqdisho.

Kalfadhigan 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu xoogga saaro arrimo qaran oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin ansixinta sharciyada horyaal Golaha iyo dardar-gelinta adeegyada ay dowladdu u qabato shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...