Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga

Date:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga Magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dalka Sacuudiga Mudane Abdulmuhsen Bin Sa’ad Alkhalaf iyo xubno sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Wadankaas.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac ee dhanka dhaqaalaha, Wasiirka Maaliyadda XFS ayaana mahadcelin kadib waxa uu si faah-faahsan uga hadlay qorsheyaasha maalgelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Soomaaliya ee dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, kheyraadka Badda, Xoolaha, Beeraha iyo dhanka Tamarta, Waxaana lagu heshiiyay in wada hadalkan loo bedelo heer farsamo oo miro dhal ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...