Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka oo kulan la qaatay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Xasan Maxamed, ayaa kulan ku yeeshay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana, Mudane Lawrence Ookeditse, kaas oo looga hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca caafimaadka.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay isla garteen in la abuuro waddooyin cusub oo lagu dhisayo iskaashi caafimaad, gaar ahaan dhinacyada shaqaalaha caafimaadka, barnaamijyada caymiska caafimaadka, iyo wadaagista khibradaha iyo hal-abuurka lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka shacabka labada dal, iyo guud ahaan iskaashiga caafimaadka qaaradda Afrika.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka go’an tahay horumarinta danaha caafimaadka qaranka iyo dhismaha iskaashi qaran iyo mid qaaradeed, si loo xaqiijiyo hiigsiga adeeg caafimaad oo tayo leh oo muwaadiniinta Soomaaliyeed la gaarsiiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...