Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena

Date:

Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa hambalyo u diray kooxda kubadda cagta Dekedaha FC kadib markii ay guul taariikhi ah ka gaareen garoonka Kasarani, isla markaana ay u gudbeen wareegga xiga ee CAF Confederation Cup.

Danjire Jibriil ayaa sheegay in adkaysiga, kartida iyo aaminaadda kooxda ay sare u qaadeen sharafka iyo sumcadda Soomaaliya, isagoo xusay in marka ay wajahayaan kooxda weyn ee Zamalek ee magaalada Qaahira, guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin oo ay u ducaynayaan.

Safiirku waxa kale oo uu bogaadiyey dadaalka iyo ciyaarsiinta wanaagsan ee kooxda walaalaha Suudaan ee Al-Hilal, isagoo tilmaamay in kubadda cagta Afrika aysan ku koobnayn kaliya tartan, balse ay tahay mid mideysa, ixtiraam iyo jacayl loo wada qabo ciyaarta quruxda badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...