Wasiirka arrimaha dibadda oo New York kula kulmay dhiggiisa dalka Baxrayn

Date:

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo Talaado ah kula kulmay magaalada New York dhiggiisa dalka Baxrayn mudane Dr. Abdullatif bin Rashid, xilli uu halkaasi ka soconayo fadhiga guud ee 80-aad ee Jimciyada Quruumaha ka dhexeysa.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labo geesoodka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Baxrayn, iyo soo ban-bixinta siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga dhinacyo badan. Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ee labada dhinac ay wada danaynayaan, iyaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardargelinta isku-duwidda iyo wadatashiga si loo adkeeyo nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Wasiir Cabdisalaan ayaa ugu hambalyeeyay Baxrayn xubinnimada loo doortay ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee muddo xileedka 2026–2027, isaga oo tilmaamay qiimaha uu leeyahay kursigani si loo taageero nabadda iyo xasiloonida gobolka iyo tan caalamiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...