Wasiirka arrimaha dibadda oo New York kula kulmay dhiggiisa dalka Baxrayn

Date:

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo Talaado ah kula kulmay magaalada New York dhiggiisa dalka Baxrayn mudane Dr. Abdullatif bin Rashid, xilli uu halkaasi ka soconayo fadhiga guud ee 80-aad ee Jimciyada Quruumaha ka dhexeysa.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labo geesoodka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Baxrayn, iyo soo ban-bixinta siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga dhinacyo badan. Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ee labada dhinac ay wada danaynayaan, iyaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardargelinta isku-duwidda iyo wadatashiga si loo adkeeyo nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Wasiir Cabdisalaan ayaa ugu hambalyeeyay Baxrayn xubinnimada loo doortay ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee muddo xileedka 2026–2027, isaga oo tilmaamay qiimaha uu leeyahay kursigani si loo taageero nabadda iyo xasiloonida gobolka iyo tan caalamiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...