Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay madax ka tirsan Dowladda Maraykanka 

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan gaar ah kula yeeshay magaalada New York Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, Marwo Allison Hooker, La-Taliyaha Arrimaha Afrika ee Madaxweyne Donald Trump, Mudane Massad Boulos, iyo Ku-Xigeenka Kaaliyaha Arrimaha Afrika, Mudane Vincent Spera.

Labada dowladood ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, joogteynta iskaashiga amni iyo la-dagaallanka argagixisada, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay adkeynta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal, kaas oo muhiim u ah xasilloonida iyo horumarka guud ee gobolka Geeska Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...