𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗨𝗴𝗮𝗻𝗱𝗮 𝗼𝗼 𝘅𝗼𝗼𝗷𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮 𝘅𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗶𝘀𝗸𝗮𝗮𝘀𝗵𝗶𝗴𝗮 𝗹𝗮𝗯𝗮𝗱𝗮 𝗱𝗮𝗹

Date:

Waxaa maanta ka dhacay caasimadda Uganda ee Kampala shirka Guddiga Joogtada ah ee Soomaaliya iyo Uganda (JPC) kaasoo loogu diyaar-garoobayo Shirka-Madaxeedka labaad Soomaaliya – Uganda ee Maalgashiga iyo Ganacsiga, kaas oo dhici doona 7–8 Oktoobar 2025 Kampala. Shirkan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada maalgashiga, ganacsiga iyo dalxiiska.

‎Intii lagu guda jiray soo bandhigista shirkan ayaa Prof. Sam Tulya-Muhika, oo ah Danjiraha Uganda ee Soomaaliya ayaa ku boorriyay shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahayinay ee Uganda ka faa’iidaystaan fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee Soomaaliya ka jira. Wuxuu xusay taariikhda dheer ee xiriirka labada dal oo soo bilaabatay 1920-meeyadii, isagoo carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la dhiirrigeliyo maalgashi isdhaafsi ah oo dheelitiran.

‎Dhankiisa, Lataliyaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Uganda, Mudane Cabdilatiif Maxamuud Cali ayaa sheegay in shirka labaad ee JPC uu yahay tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa xiriirka qotada dheer ee labada dal. Wuxuu caddeeyay in Uganda mar walba garab istaagto Soomaaliya, ayna shacabka Soomaaliyeed abaalkaas u haayaan.

‎Shirka-Madaxeedka labaad Soomaaliya – Uganda ee Maalgashiga iyo Ganacsiga ayaa lagu wadaa in lagu saxiixo heshiisyo cusub oo ku saabsan waxbarashada, shaqada iyo socdaalka, iyo sidoo kale amniga, caafimaadka iyo arrimaha qaxootiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...