Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay bandhigga wax-qabadka Xukuumadda Dan-Qaran 

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ee muddada saddexda sano ah (2022–2025).

Madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha muuqda ee xukuumaddu ay ka soo hooysay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, isaga oo xusay in horumarkan uu ka tarjumayo dadaal wadajir ah oo shacabka iyo dowladda ay ku mideysan yihiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ah ay mudnaan gaar ah siisay xoojinta amniga dalka, dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo horumarinta adeegyada bulshada si loo xaqiijiyo nolol iyo mustaqbal wanaagsan oo ay ku noolaadaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku bogaadiyay Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre dedaalka joogtada ah iyo ka go’ naanshaha ku aaddan in shacabka Soomaaliyeed ay codkooda ku doortaan mataleyaashooda, isaga oo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga dowladdooda, si guulaha la gaaray loo sii ballaariyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...