Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Date:

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka howlaha muhiimka ah ee ay SODMA qabatay tan iyo markii la aasaasay, xilli ay halkaasi kormeer ku tageen madaxdu.

Guddoomiyuhu wuxuu iftiimiyay sida ay hay’addu uga jawaabtay xaaladihii degdegga ahaa ee ka dhashay abaaraha iyo fatahaadaha, isaga oo sheegay in gurmad degdeg ah lala gaaray kumanaan qoys oo Soomaaliyeed.

Waxyaabaha uu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa dhismaha bakhaarro casri ah oo lagu kaydiyo gargaarka degdegga ah, si loo hubiyo in masiibooyinka laga gaadho meel kasta oo ay ka dhacaan.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa si taxaddar leh u dhagaystay warbixinta Guddoomiyaha, iyagoo muujiyay qaddarin iyo taageero ay u hayaan shaqada adag ee ay Hey’addu hayso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...