Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Date:

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa sheegay in guushii ciidanka qaranku ka gaareen dagaalkii Khawaarijta lagu jebiyey ee degmada Ceeldheer ay ku timid kaalinta iyo garab istaagga shacabka deegaanka.

Janaraal Sahal oo ku sugan degmada Ceeldheer ayaa tilmaamay in shacabka deegaanka ay door muuqda ka qaateen taageeridda ciidamada Qaranka, taasoo horseeday in jab xooggan loo geysto Khawaarijta. Wuxuu intaa ku daray in iskaashiga shacabka iyo ciidamada uu yahay furaha guusha dagaalka ka dhanka ah kooxda khawaarijta.

“Guushii Ciidanka Xoogga Dalku ay ka gaareen Khawaarijta lagu jebiyay Degmada Ceeldheer waxa ay ku timid dadka deegaanka.”Taliyaha Ciidanka Dhulka Janaraal Sahal Cabdullahi Cumar

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa xusay in howlgalka Ceeldheer uu caddeyn u yahay sida wadajirka shacabka iyo ciidanku ay u burburin karaan khatar kasta oo amniga iyo xasiloonida dalka wax u dhimaysa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...