Safiirka Soomaaliya u fadhida Austria iyo Switzerland, ahna wakiilka Soomaaliya u qaabilsan hayโadda Quwadda Atoomikada Adduunka (IAEA), Amb. Khadra Axmed Ducaale ayaa warqadaha aqoonsiga ugu gudbisay Agaasimaha Guud ee hayโadda Atoomikada IAEA, Rafael Mariano Grossi oo ka guddoomay.
Munaasabad lagu qabtay xarunta hayโadda ee Vienna ayaa lagu xusay xiriirka xooggan ee Soomaaliya ay la leedahay hayโada Qaramada u qaabilsan la socoshada Nukliyeerka, Amb. Khadra Axmed Ducaale, ayaa hayโadda uga warbixisay sida ay Soomaaliya uga goโan tahay in ay xiriir dhow la yeelato hayโadda Atoomikada Adduunka, gaar ahaan qeybaha Nukliyeerka ee loo adeegsado tamarta, beeraha iyo caafimaadka.
Hayโadda IAEA waxay ka caawisaa dalalka xubnaha ka ah hannaanka ay u adeegsadaan tiknoolojiyada casri ah oo lagu ilaaliyo deegaanka, laguna qiimeeyo saamaynta isbeddelka cimillada.
Agaasimaha Guud ee hayโadda Quwadda Atoomikada Adduunka (IAEA) Mr. Rafael Mariano Grossi ayaa soo dhaweeyay doorka firfircoon ee Soomaaliya ay uga jirto hayโadda, isagoo u xaqiijiyay in IAEA ay diyaar u tahay in ay ka taageerto Soomaaliya sidii ay uga faaโideysan laheyd tiknolojiyada Nukliyeerka, si loo helo horumar waara.