Shirka looga hadlayo Isbaddelka Cimillada oo maanta ka furmaya Addis Ababa

Date:

Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa maanta ka furmaya shirka looga hadlayo isbeddelka cimilada iyo saamaynta taban ee uu ku yeeshay qaaradda Afrika, kaas oo ay ka qeyb-gelayaan madax kala duwan oo uu kamid yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan oo ah meertada labaad ee Shirka Cimilada Afrika ayaa lagu falanqeyn doonaa sidii looga gaashaaman lahaa khataraha ka dhashay isbeddelka cimilada, iyadoo sidoo kale la doonayo in la dejiyo qorshe mideeya madaxda Afrikaanka ah iyo sidii xalal wadajir ah loo heli lahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadli doono ajendayaasha mudnaanta leh ee ay dowladda federaalka Soomaaliya u dejisay maaraynta iyo yaraynta saamaynta taban ee isbeddelka cimiladu ku leeyahay dalka. Sidoo kale, wuxuu kulamo-doceedyo la yeelan doonaa madaxda kale ee ka qeyb-galaya shirka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...