Shirka looga hadlayo Isbaddelka Cimillada oo maanta ka furmaya Addis Ababa

Date:

Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa maanta ka furmaya shirka looga hadlayo isbeddelka cimilada iyo saamaynta taban ee uu ku yeeshay qaaradda Afrika, kaas oo ay ka qeyb-gelayaan madax kala duwan oo uu kamid yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan oo ah meertada labaad ee Shirka Cimilada Afrika ayaa lagu falanqeyn doonaa sidii looga gaashaaman lahaa khataraha ka dhashay isbeddelka cimilada, iyadoo sidoo kale la doonayo in la dejiyo qorshe mideeya madaxda Afrikaanka ah iyo sidii xalal wadajir ah loo heli lahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadli doono ajendayaasha mudnaanta leh ee ay dowladda federaalka Soomaaliya u dejisay maaraynta iyo yaraynta saamaynta taban ee isbeddelka cimiladu ku leeyahay dalka. Sidoo kale, wuxuu kulamo-doceedyo la yeelan doonaa madaxda kale ee ka qeyb-galaya shirka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...