Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub (EU) u fadhiya Soomaaliya Danjire Francesca Di Mauro, ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha oo u hambalyeeyey danjiraha cusub, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada, nabadda, horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

Dhankeeda, Danjire Di Mauro, oo uga mahadcelisay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen, ayaa xustay in ay sii xoojin doonto iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, si loo xaqiijiyo qorsheyaasha mudnaanta u leh labada dhinac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...