Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray wadada Soobe oo dib udhis lagu sameeyay

Date:

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Wadada Soobe, oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyay.

Wadadan oo xiriirisa Hoggaanka Dambi-baarista Booliska Soomaaliyeed (CID) ilaa Isgoyska 14-ka Oktoobar, oo sidoo kale loo yaqaanno Soobe, ayaa ka mid ah waddooyinka istaraatiijiga ah ee caasimadda.

Intii lagu guda jiray munaasabadda xarig-ka-jarka, Guddoomiyaha ayaa xusay in Dowladda Hoose ee Muqdisho ay ka go’an tahay in muwaadiniinta lagu celiyo adeegyada ay xaqa u leeyihiin, iyadoo loo marayo maamul daahfuran oo cashuurta shacabka ku beddelaya adeeg muuqda.

“Wadadan maanta aan xarigga ka jarayno waxa lagu saleeyay qorshe casri ah oo aan ku xaqiijinayno in marinnada bullaacadaha ay si toos ah ugu shubmaan badda, isla markaana la diyaariyay marinno loogu talagalay xarkaha korontada iyo tubooyinka biyaha. Arrintan waxa ay muujinaysaa sida aan hor-tebinta u siinnay in aan tayada iyo waaridda adeeggan hormuud uga dhigno shaqadeena.” ayuu yiri guddoomiye Dr. Muungaab.

Duqa Muqdisho ayaa waxa uu sidoo kale ku nuux-nuuxsaday in Dowladda Hoose ay sii wadi doonto hirgelinta mashaariic la mid ah kan maanta la hirgeliyay, si bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku dhaqan caasimadda, ay u helaan adeegyo kaaba horumarka.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...