Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta qaabilay Taliyaha cusub ee Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin R. M. Anderson oo ay wehliyeen Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Mudane Richard H. Riley.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka ee dhinacyada muhiimka ah, sida amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo taageerada xasillinta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ah ee AFRICOM ku leedahay dib-u-habaynta amniga Soomaaliya, isaga oo caddeeyay sida Dowladda Federaalka uga go’an tahay horumarinta nabadda iyo xasilloonida iyadoo lala kaashanayo saaxiibada caalamiga ah.

Jeneraal Anderson ayaa dhankiisa xaqiijiyay ballanqaadka Mareykanka ee ku aaddan in uu si dhow ula shaqeeyo Soomaaliya, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada iyo xoojinta xasilloonida Geeska Afrika.

Booqashadan ayaa muujinaysa xiriirka sii xoogeysanaya ee labada dal iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu wajahayo caqabadaha amni iyo horumarineed ee gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...