Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray amniga, bilicda iyo adeegyada bulshada

Date:

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta guddoomiyay shirka mas’uuliyiinta degmooyinka, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta arrimaha amniga, bilicda iyo adeegyada bulshada ee caasimadda.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee degmooyinka ay maamulaan iyo sida ay shacabka ugu riyaaqsan yihiin adeegyada loo dhaweeyay.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa maamullada degmooyinka faray inay xoojiyaan iskaashiga iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xaqiijiyo bedqabka muwaadiniinta.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Marwo Bilan Bile Maxamuud, oo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir wakiil uga ah arrimaha Ololaha Nadaafadda ee ka socda caasimadda, ayaa sheegtay in horumar la taaban karo laga gaaray fulinta jadwalka Ololaha Nadaafadda, iyadoo la raacayo hagidda iyo amarrada Duqa Muqdisho.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiye ku-xigeenka Hawlaha Guud, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Marwo Bilan Bile Maxamuud iyo Agaasimeyaal ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamar

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...