Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray amniga, bilicda iyo adeegyada bulshada

Date:

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta guddoomiyay shirka mas’uuliyiinta degmooyinka, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta arrimaha amniga, bilicda iyo adeegyada bulshada ee caasimadda.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee degmooyinka ay maamulaan iyo sida ay shacabka ugu riyaaqsan yihiin adeegyada loo dhaweeyay.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa maamullada degmooyinka faray inay xoojiyaan iskaashiga iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xaqiijiyo bedqabka muwaadiniinta.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Marwo Bilan Bile Maxamuud, oo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir wakiil uga ah arrimaha Ololaha Nadaafadda ee ka socda caasimadda, ayaa sheegtay in horumar la taaban karo laga gaaray fulinta jadwalka Ololaha Nadaafadda, iyadoo la raacayo hagidda iyo amarrada Duqa Muqdisho.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiye ku-xigeenka Hawlaha Guud, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Marwo Bilan Bile Maxamuud iyo Agaasimeyaal ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamar

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...