Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la qaatay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya, Marwo Merete Dyrud.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dhinac, gaar ahaan arrimaha bini’aadantinimada iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

Marwo Merete Dyrud ayaa tilmaantay sida Dowladda Norway uga go’an tahay in ay sii garab istaagto dadaallada Soomaaliya ee la xiriira wax ka qabashada musiibooyinka iyo caqabadaha bani’aadantinimo, iyadoo ballanqaadday kordhinta taageerada gaar ahaan adeegyada gargaarka degdegga ah iyo horumarinta bulshada nugul.

Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA ayaa uga mahadceliyey Dowladda Norway taageerada joogtada ah ee istaraatiijiga ah, isaga oo xusay in taageerada Norway ay door muhiim ah ka qaadato dhismaha awoodda dalka ee wax ka qabashada masiibooyinka iyo dib u soo kabashada bulshada.

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday isfahan iyo ballanqaad lagu xoojinayo wada-shaqeynta, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay in si dhow looga wada shaqeeyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed iyo wax ka qabashada arrimaha bini’aadantinimo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...