Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxa Bisha Cas ee Qatar oo ka wada hadlay gargaarka iyo tababarrada

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar Xafiiskeeda Soomaaliya, Mudane Ahmed Aadan Xamiid.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada hay’adood, gaar ahaan ka hortagga iyo wax ka qabashada masiibooyinka dabiiciga ah, horumarinta howlaha gargaarka bani’aadantinimo, iyo taageerada dhanka tababarka iyo xirfadaha shaqaalaha SoDMA si ay uga jawaabaan xaaladaha degdegga ah.

Madaxa Bisha Cas ee Soomaaliya ayaa ku ammaanay SoDMA dadaalka joogtada ah ee ay ku bixiso wax ka qabashada xaaladaha bani’aadantinimo, isagoo caddeeyey in Bisha Cas ay sii wadi doonto taageerada iyo garab istaagga dhinacyada horumarinta iyo adeegyada degdegga ah ee loo baahan yahay si loo caawiyo dadka nugul.

Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA ayaa ku dheeraaday muhiimadda wada-shaqeynta joogtada ah, isagoo xusay in iskaashiga labada hay’adood uu horseedi doono xal waara oo wax ku ool ah oo lagu yareynayo nuglaanta bulshada Soomaaliyeed.

Hay’adda SoDMA waxaa ka go’an inay sii waddo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah si loo xaqiijiyo badbaadada iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...