Ciidamada Xoogaa Dalka oo lagu bogaadiyay howlgal lagu jabiyay Khawaarijta

Date:

Taliyaha qeybta 1-aad Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Dhexe Saahid Jaamac Faarax ( Jareere) oo uu weheliyo Dhanme Abshir Guutaale oo ka mid ah saraakiisba Ciidamada Xoogaa Dalka ayaa gaaray furimaha hore ee dagaalka Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo kormeer iyo Dhiiragelin ugu tegay Ciidamada ku sugan gobolkaas.

Taliyaha Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gor Gor Gaashaanle Dhexe Cosoble Cali Niur ayaa ku soo dhoweeyay taliyaha iyo xubnaha kale ee saraakiisha fadhiga ciidanka, wuxuuna warbixin kooban ka siiyay howlgalka lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

Gaashaanle Dhexe Saahid Jareere, ayaa ciidamada uu u tegay kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan baacsiga Khawaarijta si amni iyo xasillooni u helaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibanaha u ah argagixisada.

Ciidamada Xoogaa Dalka, gaar ahaan Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gor Gor ayaa howlgalo lagu jabiyay Khawaarijta ka sameeyay deegaanno iyo degmooyin Gobolka Shabeellaha Dhexe ka tirsan,halkaas oo kal hore laga bilaabay howlgalka loogu magac-daray “ Duufaanta Aamusan”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...