Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo digniin kasoo saaray dadka aflagaadada iyo sumcad dilka kawada baraha bulshada

Date:

WAR-SAXAAFADEED

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu gacanta ku hayaa Gal-dacwadeedyo la xiriira Cayda ama Aflagaadada, Sumcad-dilka, Isku-dirka Bulshada, Faafinta Sawiro l iyo Muuqaallo Anshax-xumo, Faafinta Beenta lyo Kicin Bulshada dhexdeeda ah, iyadoo ay jiraan dad loo maxkamadeeyay iyo kuwa hadda ay socdaan baarista kiisas-koodu.

Kisaskaan ayaa muujinaya sida falalka noocan ahi ay khatar ugu yihiin xasiloonida bulshada, sumcadda dadka, aminga iyo kalsoonida guud ee bulshada. Xafiisku, isagoo gudanaya waajibaadkiisa ku aaddan ilaalinta sharciga, kala dambeynta, iyo bad-qabka bulshada, wuxuu digiin adag u dirayaa cid kasta oo ku kada falal ka soo horjeeda shuruuda dalka iyo sumcadda shacabka, isagoo ku wargelinaya in tallaabo sharci ah oo adag laga qaadi doono kuwa lagu helo, si loo ilaaliyo sharafta, sumcadda, iyo nabadgelyada bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu adkeynayaa in ilaalinta sharciga, ka hort-agga dambiyada, iyo difaaca sumcadda bulshada ay yihiin tirarka ugu muhiimsan ee xaqiijinaya nabad waarta iyo horumar bulsho oo joogto ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...