Wasiirka Gaashaadhigga oo ka qeybgalay munaasabad tababar loogu soo xirayay saraakiil katirsan ciidanka xoogga

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa waxa uu ka qaybgalay xaflad ay ku qalin-jabinayeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo dhammeeyay waxbarasho iyo tababar heer sare ah oo ay ku qaateen Kulliyadda Dagaalka ee Jaamacadda Difaaca Qaranka Turkiga.

Munaasabadda xafladda ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay Madaxweynaha dalka Turkiga, mudane Recep Tayyip Erdoğan, xubno sare oo ka tirsan dowladdiisa, saraakiil ciidan, iyo wasiirrada difaaca dalalka kale ee ay saraakiisha ka qalin-jabiyeen

Saraakiishan cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka tirsan ayaa ka kala socda ciidamada dhulka, cirka, iyo badda, waxaana la filayaa inay aqoontii iyo xirfaddii ay barteen ku dalka dib ugu soo celiyaan, uguna biiriyaan amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.

Wasiir Fiqi ayaa shahaadooyin iyo billado goobta munaasabadda xafladdu ay ka dhacaysay ku guddoonsiiyay qalin-jabiyayaasha, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda iyo adkaysigoodii muddadii ay waxbarashada iyo tababarka ku jireen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...