Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Iska diiwaangeliyay Dhuusaamreeb, si uu u qaato Kaarka Aqoonsiga Qaranka

Date:

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta iska diiwaan-geliyey magaalada Dhuusaamreeb, si uu u qaato Kaarka Aqoonsiga Qaranka, isagoo ugu baaqay shacabka ku nool deegaannada Galmudug inay ka faa’iideystaan fursadaan oo ay iska diiwaan-geliyaan goobaha loo asteeyey, maadaama Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee hay’adda NIRA ay bixiso uu qof kasta muhiim u yahay.

“Bulsho kasta oo caalamka ku nool waxay leedahay wax lagu aqoonsado dhalashadiisa muwaadinimo, adeeg kastana waxaa lagu bixiyaa aqoonsi, marka Kaarka Aqoonsiga Qaranka wuxuu muhiim u yahay qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah, dadka reer Galmudug waxaan ugu baaqayaa inay is diiwaan geliyaan,” ayuu yiri Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...