Tacsi: Geeridii Fanaanadda Qaranka Khadiija Qalanjo

Date:

TACSI: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdullaahi Xayir Ducaale, agaasimeyaasha waaxyaha iyo hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Allah ha u naxariistee Marxuumad Khadiija Maxamuud Yuusuf (Khadiija Qalanjo), oo ka mid ahayd fanaaniinta Hoballada Qaranka ee Waaberi, kuna geeriyootay maanta magaalada Hargeysa.

Marxuumad Khadiija Qalanjo waxay si gaar ah ugu suntaneyd horumarinta fanka, suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Waxa ay sidoo kale ka mid ahayd fanaaniintii ugu horreeyey ee heesahooda dhaqanka lagu soo xulay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed markii la furay bishii Oktoobar 1983.

Tacsi tiiraanyo leh ayaanu u diraynaa qoyskeeda, carruurteeda, bahda fanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay.

Waxaan Allah uga baryeynaa in uu Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna innaga wada siiyo.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...