Soomaaliya oo doonaysa Inay Noqoto xarun isku xirta Afrika, Carabta iyo Aasiya

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad taariikhi ah ka jeediyay furitaanka Bandhigga 7aad ee Carabta iyo Shiinaha (China-Arab States Expo) ee lagu qabtay magaalada Yinchuan, ayaa soo bandhigay horumarka iyo fursadaha dalkeenna ka jira.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay qaadday waddo cusub oo horumarineed, taas oo diiradda lagu saarayo nabadda, amniga, dib-u-habeynta sharciyada, iyo dhiirrigelinta maalgashiga.

“Soomaaliya waxay rabtaa in ay noqoto xarun muhiim ah oo isku xirta Afrika, Carabta iyo Aasiya, iyada oo ka faa’iideysaneysa kheyraadkeeda maadaama ay goob istiraatiiji ah dunida kaga taallo.

Waxaana xoogga saareynaa iskaashiga dhinacyada tamarta, beeraha, kalluumeysiga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ganacsiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha uu yahay mid sii xoogeysanayo, iyada oo uu kor u kacay 20% sanadkii la soo dhaafay ganacsiga labada dal.

Mudane Xamsa ayaa xusay in xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, uu yahay mid soo jireen ah isla markaana ay Soomaaliya tahay dalkii ugu horreeyay Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed la yeesha Shiinaha sanadkii 1960.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...