Soomaaliya iyo Kazakhstan oo kala saxiixday heshiis Diblomaasiyadeed

Date:

Maamulka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Türkiye ayaa si diirran u soo dhoweeyay saxiixa heshiis diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kazakhstan.

Heshiiskan oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, ayaa waxaa kala saxiixday Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Amb. Abukar Dahir Osman, iyo Danjiraha Kazakhstan, Amb. Kairat Omarov.

Maamulka Safaaradda Soomaaliya ee Türkiye ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray labada Danjire ee fududeeyay heshiiskan taariikhiga ah, iyagoo sheegay in uu wax weyn ka tari doono horumarka dadka iyo dalka.

Sidoo kale, Maamulka ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...