Madaxweynaha KGS oo shir guddoomiyay kulanka golaha Wasiirrada ee Koonfur Galbeed

Date:

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed oo ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada magaalada Baydhabo.

Shirka waxaa diiradda lagu saaray amniga guud ee deegannada Koonfur Galbeed, horumarinta adeegyada bulshada, iyo arrimo la xiriira siyaasadda guud ee dalka. Madaxweynaha ayaa ku dhiirrigeliyey Golaha Wasiirrada in ay dardar geliyaan shaqooyinka horyaalla xukuumadda.

Madaxweyne Laftagareen ayaa wasiirrada ku boorriyay inay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan shaqooyinka dowladda, si hufan loona turjumo dadaalkaas natiijo muuqata oo lagu gaadho nolol wanaag iyo amni loo dhan yahay oo shacabka Koonfur Galbeed ay helaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...